Waalidiin isku soo baxay oo Farmaajo farriin u diray

Waalidiinta dhalay caruur loo qaaday tababar ciidan ayaa waxay la hadleen madaxweyne Farmaajo, iyagoo ka codsaday in ay dowladdu u keento nolol iyo geeri middood caruurtooda.

Warar Keydmedia Online
Waalidiin isku soo baxay oo Farmaajo farriin u diray

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa waddooyinka magaalada isugu soo baxay waalidiinta caruur horay loogu qaaday ardaynimo, ee loo sheegay in tababar ciidan loo qaaday kuwaasoo ugu dambeyntii waayay raq iyo ruux war ku saabsan caruurtooda.

Waalidiinta oo qiireysan ayaa la hadlay warbaahinta waxayna madaxweyne Farmaajo ka codsadeen inuu la hadlo, kalana hadlo caruurta ka maqan "Madaxweyne adigaa ah mas'uulkii umaddan, waxa naga maqan waa dad nool, maahan xoolo, fadlan nala hadal oo noo sheeg caruurteena nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin, Maalinta qiyaamo ilaahay wuu kula xisaab tami doonaa" ayey tiri hooyo Soomaaliyeed oo ilmo ay kusoo istaageen indhaheedu kana maqan yahay wiil ay dhashay oo looga qaaday in waddanka Qadar uu Jaamac u aadi doono, balse ay war ka weysay.

Mid kamida waalidiinta ayaa sheegay in ilmaha ka maqan uu tuhun galay kaddib markii laga waayay waddankii Qadar oo loo sheegay in waxbarasho loo geyn doono, waxa uu sheegay in ardayda markii horeba ay qoreen Nabaddoono iyo saraakiil ciidan, taasoo caddeyneysa in aan waxbarasho loo qaadin ee tababar ciidan loo qaaday, sidoo kalena waxaa la xaqiijiyay in waddanka Qadar aysan joogin "Horay waxaan u maqalnay caruur tababar loo qaaday,17 kamida ayaa geeriyootay, waxaan wareegeenay 2 bilood, albaab kasta oo dowladda ayaan garaacnay, hal qof oo naga qanciya ayaan weynay" ayuu yiri Aaabe ilmihiisa ay ka maqan yihiin.

"Qofka Askariga noqonaya Aabe iyo Hooyo ayuu leeyahay, oo uu ka dambeeyaa, haddii ay dowladdu xumeysay waalidiinta, isagana ma wanaajin doono" ayuu yiri aabe la hadlay warbaahinta isagoo ka codsaday in dowladdu ay ka qanciso waxa jira.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.