Waare: DF ayay u afduuban tahay doorashadda HirShabeelle

Hadalka Waare ayaa kusoo beegmaya xili Jowhar ay ka socoto doorasho ay ku loolamayaan Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka.

Warar Keydmedia Online
Waare: DF ayay u afduuban tahay doorashadda HirShabeelle

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii uu ku dhawaaqay inuu is-casilay Isniintii, Maxamed Cabdi Waare ayaa daboolka ka qaadey in Dowladda Federaalka ay ay si sharci darro ah kula wareegtay hanaanka doorashadda HirShabeelle.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in HirShabeelle ay maanta taagan tahay sidii ay ahayd 2016 markii la aas-aasayay, islamarkaana aysan jirin wax isbedel ah oo la sameeyay mudadii ay jirtay oo labo Madaxweyne soo martay.

Sababaha ugu wayn HirShabeelle u dhaqaaqi la'dahay ayuu ku micneeyay inay dowladda fadhisa Muqdisho ay lugaha ku dhegan yahay Maamulkan, iyadoo ku fulisatada danaheeda doorashadda heer Federaal, maadaama ay ka imaanayaan 45 Xildhibaan.

"Neefka xoolaha marka uu caatoobo, oo gaajo iyo cuduro isagu darsamaan, wuxuu gaaraa heer maqaarkiisa uu ka qiima badan yahay, maqaarkaa laga fiiqdaa, oo la qaataa. Maqaarkaas waa 45 kursi oo meesha taalla, tii hore 2016 saas ayay ahayd, haddana meeshii ayaan joognaa," ayuu yiri Waare.

Wuxuu ku baaqey Waare in hadii wax laga bedelo la doonayo HirShabeelle la sameeyo Maamul ku yimaada dib u heshiisiin iyo wada-ogol, islamarkaana laga joojiyo faragelinta qaawan ee Villa Somalia ku hayso arrimahiisa doorashadda.

Kuraasta taalla HirShabeelle waxaa la sheegay in mar hore laga qorsheeyay Villa Somalia Xildhibaanadii ku fariisan lahaa, iyadoo Fahad Yaasiin oo hadda isku bedelay madaxa ololaha doorashadda Farmaajo Muqdisho ku diyaariyay liiska shaqsiyaad qaar ku jira Sirdoonka NISA.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.