Waare oo is-casiley markii talo uu soo jeediyay la diiday

Madaxweynaa ayaa sheegay in HirShabeelle markii hore lagu dhisay xaalad deg-deg ah, oo Villa Somalia dano doorasho ka lahayd 2016, haddana meel kasii xun lagu wado Maamulkiisa.

Warar Keydmedia Online
Waare oo is-casiley markii talo uu soo jeediyay la diiday

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynihii HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaway inuu iska casilay xilka wax yar kahor doorashadda madaxtinimo ee Maamulkiisa.

Qoraal uu soo saarey ayuu ku sheegay in sababta is-casilaadiisa ka dambeyso ay tahay in laga diiday talooyin uu soo jeediyay, oo ahaa in doorashadda dib loo dhigo, illaa ka dhacayso mid heer Federaalka, si loo dhiso maamul loo dhan yahay.

Kadib markii uu waayay cid dhageysata soo jeedintiisa odayaasha dhaqanka iyo DF oo hadda howsha doorashadda HirShabeelle maamuleysa, Waare ayaa go'aan ku gaarey inuu is-casilo.

"Si waafaqsan Qododka 52aad ee Dastuurka Ku meel gaarka HirShabeelle, waxaan iska casilay xilkii Madaxweynaha. Waxaan Shacabka u rajeeynayaa Guul iyo barwaaqo," ayuu yiri Waare.

HALKAN HOOSE KA AKHRI QORAALKIISA:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.