Waare oo magacaabay xubnaha Guddiyada doorashadda

Madaxweyne Waare oo mudo xileedkiisu dhamaadey ayaa khilaaf kala dhaxeeya Villa Soomaaliya, kadib markii doorashadda HirShabelle la wareegtay.

Warar Keydmedia Online
Waare oo magacaabay xubnaha Guddiyada doorashadda

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaadey ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabey afar xubnood oo Maamulkiisa ugu mateli doono gudiga doorashooyinka heer Federaal iyo gudida xalinta Khilaafaadka.

Gudiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee Heer Federaal, waxaa HirShabeelle usoo magacawday C/naasir Maxamed Guuleed iyo Maxamed Maxamuud Caddow halka gudiga xalinta khilaafaadka ku mateli doono Farxiyo Xasan Cismaan iyo Liibaan Cismaan Nuur.

HirShabeelle ayaa noqotay Maamulkii ugu dambeeyay ee xubnaha soo magacaaba, iyadoo waqtigii kama dambeynta ee Ra'iisul Wasaare Rooble u qabtey Maamullada laga soo gudbay, kaasoo ahaa 20-ka bishan October.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.