Wabiga Shabeelle oo ku fatahay degaanno hoos taga Jowhar

Wabiga Shabeelle, ayaa fatahaado hor leh ka geysay degaanno hoos taga magaalada Jowhar ee xarunta u ah, maamulka HirShabeelle.

Warar Keydmedia Online
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay degaanno hoos taga Jowhar

JOWHAR, Soomaaliya -  Roobka Gu’ga ( GU’ ) oo ah Xilli roobaadka ugu muhiimsan xilliyada ay roobabku ka dda’aan Soomaaliya, ayaa tan billowgi bishaan si fiican uga curtay qeybo ka mid ah dalka, wuxuuna sababay in Wabiga Shabeelle uu ku fataho, degaanno u badan dhul beereed oo ku yaalla duleedka Magaalada Jowhar.

Tuulooyinka Baarey iyo Moyko, oo dhaca dhul beereed baaxad weyn oo ku yaalla duuleedka Jowhar, ayuu daadku qaaday, waxaana dadka deggaanku xaqiijiyeen in inta badan qoysaskii deganaa ka qaxeen tuulooyinka, ka hor inta uusan karaarada jabsan Wabiga Shabeelle.

Dhanka kale biyaha oo aad u badan ayaa sababay inuu hakad galo isku socodkii magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, waxaana daadadku jareen wadada xariirisa labada degmo.

Dadka ku dhaqan jinka Wabiga ayaa guryahooda ka baxay cabsi laga qabo fatahaado hor leh, taas oo sababi karta in dadka iyo duunyadu ku go’doomaan biyaha dhexdooda.

Inta badan Xilliga Gu’ga oo ka bilowda bartamaha Maarso ilaa Juunyo, iyo xilliga Deyrta oo bilawda Sebteembar ilaa Nofeembar, ayay fatahaadaha ceyn kaan ah geystaan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba, oo ciid ka buuxsatay iyo dacatir la’aan awgeed ay biyuhu jabsadaan qararka Wabiyada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.