Wabiga Shabelle oo ku fatahay Shabellaha Hoose & Shabellaha Dhexe

Marka (KON) - Wabiga Shabeele ayaa Fatahaad ka Sameeyey Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe, wuxuuna geystay Khasaare farabadan.
Warar Keydmedia Online
Wabiga Shabelle oo ku fatahay Shabellaha Hoose & Shabellaha Dhexe

Ilaa iyo Toban tuulo oo Hoostagta Degmada Wanlaweeyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu soo Waramayaa in wabiga uu Fatahaad ka sameeyey, waxaana uu halakeeyey Naf iyo Dhul Beereed in taba.

Sida ay noo Xaqiijiyeen Dadka kunool Degmada Wanlaweeyn ee Goblka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Shan Ruux oo caruur u badan ay ku Geeriyoodeen Fatahada Wabiga Shabelle sidoo kalane in kabadan Boqol Beerood uu Burburiyey.

Waxaana sidoo kale jirta in Qoysas Farabadan ay ka Barakaceen Fatahaada Wabiga uu ka sameeyey Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhinaca kale Wabiga Shabele ayaa waxaa uu ku Fatahay Tuulooyin u dhaw Demada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe.

Tuulooyinka Koonko iyo Dheygawaan ee Gobolkaasi ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu Wabiga uu Fatahad ka sameyey.

Fatahaada Wabiga ayaa waxaa ku Geeriyooday 2-Caruur ah kuwaa oo uu la tagay Daad uu soo Tufay Wabiga Shabelle Xiliga uu Fatahada waday.

Waxana Dhowr jeer Wabiga Shabelle uu fatahaad ka Geystay Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe ee Dalka soomaalia.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho