Wadaad lagu xiray Waqooyga Galkacyo

Muqdisho(Keydmedia) Ciidamada maamulka ka taliye Waqooyga Galkacyo iyo gobalada Bari iyo Nugaal ayaa shalay galinkii danbe ka qabtay masaajid ku yaala waqooyga galkacyo wadaad caan ah.
News Keydmedia Online

Shiikha ay Ciidamada xireen ayaa waxaa lagu magacaabaa Ismaaciil Khaliif Mire waxaana uu kutub diini ah ka aqrin jiray masaajidka Saaluxdiin ee ku yaala dhanka waqooyi ee Galkacyo.

Ciidamada ayaa furay rasaas xiligii ay qafaalayeen wadaadka waxaana ku dhaawacmay rasaastaasi Shikh lagu magacaabo Shiikh Saacid oo ka mid ahaa culimadii ku sugneed masaajidka xiligaasi.

Kadib markii uu falka dhacay ayaa waxaa dibad bax lagu dalbanayo sii deynta wadaadka waxaa dhigay 50 dhalinyaro  ah oo ka mid ah dhalinyarada uu wadaadka wax bari jiray.

Inta badan culimada laga qabto deegaanadaasi ayaa waxaa loo dhiibaa dowlada Itoobiya oo ku xirta xabsiyo ku yaala gudaha dalka Itoobiya.

 www.keydmedia.net