Waddooyinka Muqdisho qaarkood oo saaka xiran

Dadweynaha ayaa saaka meelaha qaar ku lugeynaya si ay u gaaraan goobahooda waxbarashada, iyo shaqada.

Warar Keydmedia Online
Waddooyinka Muqdisho qaarkood oo saaka xiran

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saaka xiran waddooyinka qaar ee Muqdisho, kuwaas oo an la ogeyn sababta loo xiray.

Dadweynaha ayaa saaka lugeynaya, waxaana meelaha qaar laga raacaya baabuur goos goos ah oo aan meelo fog fog dadka gaarsiin karin.

Lama shaacin sababta xirnaashaha waddooyinka, balse waxaa Muqdisho ku sugan dhamaan madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo u joogo shirka wada-tashiga ee DF iyo dowladaha xubnaha ka ah.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.