Waddooyinka Xamar oo saakay xir-xiran

Waxaa saakay xiran qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana loo diidayaa in ay adeegsadaan gawaarida dadka shacabka ah.

Warar Keydmedia Online
Waddooyinka Xamar oo saakay xir-xiran

MUQDISHO, Soomaaliya -  Shacabka Muqdisho ayaa saakay ku waabariistay, qaar ka mid ah waddooyinka muhiimk ah ee magaalada oo xiran, waxaana dadaka rayadka ah kaliya loo ogolyahay in ay lugeeyaan.

Shaqsiyaadka heysta aqoonsiga Dowladda ayaa loo ogol yahay in ay gawaridoodu adeegsadaan waddooyinka xiran, halka qofka aan xaafiisyada Dowladda ka shaqeyn kaliya loo ogolyahay inuu lugeeyo.

Lama oga sababta saaka waddooyinka muhiimka ah loo xiray, hayeeshee waxa ay kusoo beegmeysaa iyadoo dhawaan meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxmed laga soo dajin doono Muqdisho.

Waxaa la filayaa in maanta aas qaran magaalada loogu sameeyo Allaha un naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.