Wade gaari oo lagu dilay gobolka Hiiraan

Sida ay noo xaqiijiyeen dad ku safrayay waddada dheer ee xiriirisa labada gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud waxaa saacado kahor la dilay wade gaari oo marayay inta u dhaxaysa degmooyinka Matabaan iyo Guriceel

Warar Keydmedia Online
Wade gaari oo lagu dilay gobolka Hiiraan

MATABAAN, Soomaaliya - Meel udhaw degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa lagu dilay dilay Wade gaari oo safar ugu so ambabaxay magaalada Berbera, waxaana isago kusoo Jeeda Beledweyne ay kooxo hubeeysan ku dileen meel lagu magacabo Riiga Ceel-habreed oo dhacda Xuduudka Ethopia iyo Galgaduud.

Dilka marxuumka ayaa daba socda dilal hore oo ka dhacay deegaanadaas, waxaana bilooyinkii u dambeeyay kusoo badanayay deegaanadani dilalka la xiriira aanooyinka qabiilka. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdiraxiin Xaashi, waxaana meydkiisa loo qaaday gobolka Hiiraan halkaas oo uu kasoo jeedo.

Toddobaad kahor ayey ahayd markii madax furasho lacageed oo gaaraysa $40,000 lagu sii daayay shan nin oo dhallinyaro ah oo laga qafaashay xilli ay ku safrayeen waddada isku xirta labada gobol ee Hiiraan iyo Galmudug.

Maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug  ayaan weli ka hadlin dhibaatada halkaas ka socota bilooyinkii u dambeeyay, waxaana muuqata in maamullada aysan ku baraarugsaneen dhiigga shacabka ee micna darrada ku daadanaya, iyadoo deeganada labada dhinacba ay ku sugan yihiin maleeshiyaad hubeysan oo saacaddii ay doonaan dil geysan kara.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.