Wadooyinka Muqdisho oo la xiri doono

Muqdisho (Keydmedia) - Mudooyinkaan Dambe ayaa Caasimada Soomaaliya Muqdisho waxaa ka socday dib u dhis iyo Dayactir baaxad weyn.
Warar Keydmedia Online
Wadooyinka Muqdisho oo la xiri doono

Maalmahaan danbe ayaa waxaa la dareemayaa in Dariiqyo Halbowlaha Muqdisho oo ey Burburiyeen Meleeshiyaadka Shabaab hada lagu hayo Dayactir Xoogleh. Wuxuu kasocdaa Dayactirku Biyo galeenmadi Howlwadaag. 

Shirkada Somali telecom ayaa waxey isku xilsaartay iney Dayactirto Fagaaeaha Koowda Luulyo oo badanaa loo yaqaano Tirabuunka.

Agaasimaha Wasaaradda Gudaha iyo Amniga Xukumadda KMG Bashir Goobe ayaa sheegay in 10ka Biyaan la xiri doono Qaar kamid ah Dariiqyada Muqdisho.

“Wixii ka dambeeya 10-ka Bisha waxaa xirmi doono wadooyin dhowr ah oo aada School Polizio, gaadiidkana looma ogolaan doono, waxaa xirmi doona wadada Maka Al-Mukarama oo loo ogolaanayo in dadka kaliya ay maraan”ayuu yiri Bashiir Goobe.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho