NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Ilaalada gaarka ah Madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa galabta diyaarad gaar ah ay kasoo qaaday Kismaayo iyo Garowe, iyagoo soo gaarey magaaladda Muqdisho.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyniyeyaasha Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa iska soo hor-mariyay Ciidan kahor inta aysan imaan Muqdisho oo Todobaadkan uga qeybgali doonaan Shirka Maamullada iyo Dowladda Dhexe, oo lagu raadinayo heshiis mideysan oo doorashadda lagu galayo.
Axmed Madoobe iyo Deni oo xulufo ah, isku bahaystay mucaaradnimada Farmaajo, ayaa la filayaa in ay maalinta Isniinta ah soo gaaraan Muqdisho, kadib markii Mareykanka uu qasbay inay yimaadaan, islamarkaana ay qeyb ka noqdaan heshiiskii lagu gaarey Dhuusamareeb.
KEYDMEDIA ONLINE
Ciidamada ayaa ku jira xiligan qeybta Cargo - Xamuulka diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cadde kadib markii ay heleen xogta ku saabsan in Mucaaradka Lacag u timid.
Copyright © 2021 Keydmedia | All rights reserved.
Designed with ♥️ by 7odobo.
Add comment
Comments