Wafdi ka socda DF oo gaaray dalka Masar

Wafdi uu horkacayo Wasiirka Caddaalada Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa gaaray dalka Masar, halkaasi oo ay dhawaan shir ugu qeyb galayaan.

Warar Keydmedia Online
Wafdi ka socda DF oo gaaray dalka Masar

MUQDISHO,Soomaaliya - Wafdiga wasiirka uu hogaaminayey ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Qaahira ku soo dhaweeyey safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar iyo masuuliyiin ka tiraan dalkaasi.

Socdaalka Wasiirka Caddaalada ee Soomaaliya ayaa daaran ka qeyb galka shirka Wasiiradda caddaalada Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaasoo todobaadkan uu masar uga furmayo shirkoodii sanadlaha ahaa.

Wasiir Maxamed Nuur Jaamac ayaa lagu wadaa inuu shirkaasi ka jeediyo khudbad dhinacyo kala duwan taabaneyso, isagoo xubnaha madasha fadhiya uga warbixin doono xaaladda siyaasadeed ee uu dalku ku sugan yahay.

Wasiirka ayaa shirka kadib, la filayaa inuu kulamo gooni gooni ah la yeesho madaxda ugu sareysa dalka Masar, iyo xubnaha wasiirada ee ka tirsan Jaamacadda Carabta.

Si kastaba ka qeyb galka kulamada ceynkan oo kala ah ayaanan wax badan soo kordhineynin, maadaama aad loo dhaliilo hannaanka caddaaladeed ee Soomaaliya, mana jiraan hay'addo caddaaladeed oo ka madax banaan kuwa taladda dalka haya, taasoo qasbeysa in muwaadinku uu mar walba dhibane u ahaado nidaamka caddaaladeed ee dalka ka jira.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 January 2022 7:53

Dhambaallada ay taariikhdu qoreyso oo aan joosi lahayn ilaa saacaddu istaageyso, ayaa shalay mar kale is qortay kadib markii uu hal Wasiir si cad uga hor yimid in laga laabto go’aankii khaldanaa ee Xukuumaddii uu ka tirsanaa Ururka ONLF ugu dartay liiska Argagixisada.