Wafdi ka socda Q.M. oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi ka socda hay'adda Qaramada Midoobay ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Wafdi ka socda Q.M. oo gaaray Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug ayaa Madaxtooyada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Hay'adaha Qaramada Midoobay.

Hay'adaha Qaramada Midoobay ee soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa kala ah Hay'adda Caafimaadka Adduunka WHO, IOM, UNHCR, OCHA UNICEF iyo UNDP.

Hay'adaha ayaa ujeedka socodkooda uu ahaa quimeynta baahiyaha ka jira deegaanada Galmudug iyadoo ay horay uyimaadeen magaalada Dhuusamareeb balse aan fulin dhammaan ballanqaadyadii ay sameeyeen.

Degaanada Galmudug ayaa qeybo badan oo kamida waxaa gacanta ku haya kooxda Al-Shabaab iyadoo sidoo kale degaanno hor leh ay la wareegeen kooxda waxaana arrintaasi ay sababeen in ay dib udhacaan mashaariicdii horumarineed ee degaannada Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.