Wafdi ka socda Qatar oo soo gaarey Muqdisho

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Balal Cismaan ayaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wafdiga.

Warar Keydmedia Online
Wafdi ka socda Qatar oo soo gaarey Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi ka socda dowladda Qatar ayaa galabta soo gaarey magaaladda Muqdisho, saacado kadib markii Gollaha Shacabka uu laalay muddo-kordhintii labada sano ee April 12 uu u sameeyay Farmaajo.

Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, oo ah ergayga gaarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan la-dagaalanka argagaxisadda iyo dhex-dhexaadinta Khilaafyada ayaa hogaaminaya wafdiga, waxaana Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Balal Cismaan, oo ah wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wafdiga Qatar ayaa saakay booqday Hargeysa, waxuuna halkaasi kula soo kulmay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyadoo aaney la ogeyn waxyaabihii ay ka wada-hadleen.

Qatar ayaa saameyn siyaasadeed ku leh Soomaaliya, iyadoo booqashadda Dr Mutlaq ay kusoo aadayso xili isbedel uu dalka ka dhacay, oo waqtigii Farmaajo uu dhamaadey, islamarkaana uu meesha kasii baxayo galaan-galkii ay Villa Somalia ku lahayd.

Fahad Yaasiin oo xiriir dhaw la leh Qatar ayaa la filayaa inuu la kulmo wafidga Dr Mutlaq inta uu ku sugan yahay Muqdisho, waxaana wararka ay sheegayaan in Doha ay ka fekeraysa Musharixii ay doorashadda soo socota taageeri lahayd.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].