Wafdi ka socda QM oo la kulmaya Midowga Musharraxiinta

Macluumaad aan heleyno ayaa sheegaya in wafdi ka socda QM oo ay hoggaamineyso Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed ay kulan la qaadan doonaan Midowga Musharraxiinta, kaddib kulamo ay la qaateen Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmajo. 

Warar Keydmedia Online
Wafdi ka socda QM oo la kulmaya Midowga Musharraxiinta

MUQDISHO, Soomaaliya- Aamina Jane Mohamed oo ah kuxigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo booqasho ku timid Muqdisho ayaa ka warbixisay kulamadii ay la yeelatay madaxda Soomaalida sida Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad goboleedyada waxaana ka muuqatay inay aad hoos ugu dhigtay kulankii ay la yeelatay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Farmajo oo ay ku gaabsatay kulankii dhexmaray.

“Ra’iisul Wasaare Rooble iyo golaha wadatashiga qaranka waxay muujiyeen hogaamin wanaagsan iyo ka go’anaansho si loo dardargeliyo ka qaybgalka haweenka ee Siyaasadda oo ay ku jiraan talaabooyin gaar ah sida dhimista lacagta laga qaadayo musharaxiinta haweenka ah, iyo magacaabista xubno u doodaya in wax weyn lagu daro arrintaasi waxaa kaloo muhiim ah in leysku raaco hab gaar ah oo lagu gaari karo qoonada 30% doorashada soo socota” ayay tiri Amina Jane.

Kiiska  Ikran Tahliil oo wax laga weydiiyay ayay ka gaabsatay, balse waxa ay xustay in ku sareynta Sharciga iyo helida Caddaaladdu tahay mid muhiim ah si looga hortago fowdada iyo ku xadgudubka xuquuqda haweenka oo dhan. Arrimaha doorashooyinka oo ay ka hadashay ayay  xustay in khilaafka siyaasadeed aan loo loo oggolaan inuu halis geliyo guulaha laga gaaray dib u dhiska dalka.

Macluumaad aan heleyno ayaa sheegaya in wafdi ka socda QM oo ay hoggaamineyso Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed ay kulan la qaadan doonaan Midowga Musharraxiinta, kaddib kulamo ay la qaateen Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmajo. Xubno ka tirsan Madaxtooyada ayaa tilmaamay in kulanka Amina Jane iyo Midowga Musharraxiinta uu Farmaajo u arko mid dhabar jab  xooggan ku ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.