Wafdi uu hogaaminayo Swan oo gaarey Kismaayo

Wafdiga Swan waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Warar Keydmedia Online
Wafdi uu hogaaminayo Swan oo gaarey Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Ergayga QM ee Soomaaliya James Swan ayaa Maanta gaarey magaaladda Kismaayo, isagoo halkaasi wadahadallo kula leh Axmed Madoobe.

Safarkiisa ayaa qeyb ka ah booqasho uu ku maraya Swan dhamaan Magaalo madaxda Maamul Goboleedyada dalka, waxaana uu u kuurgalayaa howsha hay'adaha QM ka hayaan dalka iyo inuu dhageysto baahiyaha dadka ay qabaan 2021.

Waxaa sidoo kale socdaalkiisa qeyb ka ah arrimaha siyaasadda, isagoo u kala dab-qaadaya madaxda khilaafka u dhaxeeya ee isku mari la' hanaanka doorashadda Soomaaliya 2020-21.

Ergayga QM ayaa shalay qeyb ka ahaa shirkii Wakiiladda Beesha Caalamka Villa Somalia kula yeesheen Farmaajo, kaasoo ugu dambeyn ku qabsay Madaxweynaha inuu iclaamiyo kulan uu la yeelanayo madaxda Maamullada 1-da Feb illaa 3da Feb, kaasoo lagu qabanayo Dhuusamareeb.

Jubbaland ayaa qabta qabashooyin badan oo ay ka tirsanayso maamulka Farmaajo oo duulaan ku qaaday sanadkii tagey, kana qabsadey Luuq, Doolow iyo Beled-Xaawo oo Gedo katirsan, halkaasi hadda dagaal ka socdo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.