Wafdi ka socday IGAD oo gaaray Kismaayo

Kismaayo (KON) - Wafdi ka socday Ururka IGAD ayaa Galabtay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, iyagoo halkaasi kulan kula qaatay Sraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskambooni iyo Amisom.
Warar Keydmedia Online
Wafdi ka socday IGAD oo gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha ururka Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyn ay aheyd sidii maamul hoostaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya loogu sameyn lahaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in sidoo kale la isku afgartay dardar-gelinta howlgallada ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo iyo sidii la isaga kaashan lahaa xasilinta ammaanka gobolladaas.