Wajiga 1aad Shirkii Afisyooni oo lasoo gabagabeeyay

Waxaa wajiga kowaad kulmay Madaxda Maamullada iyo Ra'iisul Wasaare Rooble.

Warar Keydmedia Online
Wajiga 1aad Shirkii Afisyooni oo lasoo gabagabeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa goordhaw soo xirmay wajiga koowaad ee Shirka Afisyooni, kaasoo saakay uu furay Ra'iisul Wasaare Rooble, islamarkaana ka qeybgaleen madaxda maamullada iyo duqa Muqdisho.

Waxuu ku furmay jawi wanaagsan, iyadoo aan jirin maanta qodobo siyaasadeed oo laga hadlay, iyadoo ajandaha uu billaaban doono maalinta berri ah oo la isagu soo laabanayo kulanka.

Shirkan ayaa ujeedkiisa ugu wayn wuxuu yahay in xal laga gaaro khilaafka hanaanka doorashadda, oo khilaaf xoog leh uu ka taagan yahay kadib markii Farmaajo uu jebiyay qodobada qaar ee heshiiskii Sep 17.

Waxyaabaha diiradda la saarayo waxaa kamid ah dhismaha gudiyadda doorashadda, cida maamuleysa doorashadda Gedo iyo arinta Somaliland oo ah kuwa ugu xasaasisan ee la isku hayo, iyadoo looga fadhiyo Rooble inuu tanaasul ka sameeyo.

Dib u dhac ayaa ku yimid doorashadda Soomaaliya oo la filayay inay billaabato sanadkii tagey dhamaadkiisa, islamarkaana lagu soo afjaro doorashada madaxtinimada Feb 8, 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.