Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Ergaygii hore ee Midowga Afrika u qaabilsanaa Soomaaliya, Nicolas Bwakira, ayaa geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen Midowga Afrika.
BURUNDI - Diblumaasigaan u dhashay dalka Burundi Amb. Nicolas Bwakira oo soo noqday Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa geeriyooday, sida lagu caddeeyay bayaan aan lagu xusin sababta dhimashadiisa oo uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.
Amb. Nicolas Bwakira ayaa ahaa wakiilka gaarka ah ee AU-da u qaabilsan arrimaha Soomaaliya sanadihii 2007 ilaa 2009.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa ammaanay sooyaalkii Danjire Bwakira isagoo sheegay inuu u soo halgamay u adeegidda Afrika wuxuu wanaag ku tilmaamay shaqooyinkii uu ka qabtay Namibia, Angola, Soomaaliya iyo harada Lake Chad Basin.
Sida uu sheegay Moussa Faki, Istaraatiijiyaddii Nicolas Bwakira, waxa ay gacan ka geysatay dib u soo nooleynta hay'adihii muhiimka u ahaa Soomaaliya, maareynta geeddi-socodka iyo soo celinta xasilloonida.
Bwakira wuxuu ka mid ahaa madaxii dhexdhexaadineysay wadahadaladii Jabuuti ee udhaxeeyey Dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya iyo Isbaheysigii Dib u Xoreynta.
KEYDMEDIA ONLIE
Add comment
Comments