Waqooyga Galkacyo iyo qorsho deegaan faquuq ah

Maamulka ka taliya waqooyga Magaalada Galkacyo oo afkaar ahaan ay isu dhaw yihiin kan ka jira Bari iyo Nugaal ayaa ka dhawaajiyay talaabo la mid ah tii uu hore u qaaday maamulkooda.
Warar Keydmedia Online
Waqooyga Galkacyo iyo qorsho deegaan faquuq ah

Muuse Xasaasi oo ah Taliyaha ciidamada Waqooyga Galkacyo ayaa sheegay in dad ka mid ah kuwii laga soo tarxiilay Bari iyo Nugaal ay hada fatqalalo dhanka amaanka la xiriira ay ka wadaan Waqooyga Galkacyo.

Xasaasi ayaa ku goodiyay in ay dadkaasi ka masaafurin doonaan Waqooyga Galkayo si buu yiri ay uga hortagaan waxa uu ugu yeeray shaqaaqo amaan oo halkaasi ka dhacada.

Hadalka ka soo yeeray ninkan ku Magacaaban Taliyaha ayaa waxa uu u muuqdaa mid gogal xaar u ah qorshe kale oo ay ku doonayaan in ay ku dhibaateeyaan shacabka masaakiinta ah ee reer koonfureedka.

www.keydmedia.net