Waqooyga Galkacyo oo shacab lagu xiraxiray

GALKACYO(KEYDMEDIA) Ciidamada maamulka C.raxmaan Faroole ee ka taliya waqooyga magaalada Galkacyo ayaa xabsiga u taxaabay xalay ku dhawaad 20 ruux oo ka mid ah dadkii ku noolaa waqooyga magaalada Galkacyo.
Warar Keydmedia Online
Waqooyga Galkacyo oo shacab lagu xiraxiray

Dadka la xiray ayaa waxaa u badan dad ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya iyadoona xabsiyo ku yaala waqooyga galkacyo si arxan darra ah loogu guray dadka.

Todobaadkii tagay ayaa ciidamada Faroole ee waqooyga galkacyo waxa ay masaajidka Saalixu diin agtiisa ka xireen wadaado dhanka diinta ku xeeldheeree kuwaasoo ilaa iminka aan la ogeyn halka lagu hayo.

Ciidamada Faroole dadka ay xiraan qaarkood ayaa loo gudbiya xabsiyada Itoobiyada iyadoona dadkaasi lagu dulimiyo lahaansho ay leeyihiin sunada iyo calaamada dhanka diinta ah oo ka muuqda.

www.keydmedia.net




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.