Waqtiga Farmaajo wuu dhamaadey, mana muuqato meel loo socdo iyo doorasho la qabanayo

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Dastuurka dalka uu yahay kan uu ku yimid Madaxweynaha, laguna doortey Xildhibaanada, sidaasi si lamid ahna loo baahan yahay in lagu soo dhiso dowlad cusb marka uu dhamaado mudo xileedka Farmaajo, oo 5 bilood ka harsan.

Warar Keydmedia Online
Waqtiga Farmaajo wuu dhamaadey, mana muuqato meel loo socdo iyo doorasho la qabanayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, haatanna ah guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ay ku fekereyso  in dowlado shisheeye ay dalka u qaban karaan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladda hada ay tababaraneyso Ciidamo badan, kuwaasoo ay dooneyso inay isku difaacdo, wuxuuna tilmaamay in dagaal ka dhaca dalka waqti xaadirkaan waxba soo kordhineyn, wax walbana sharciga oo loo hogaansamo looga gudbi karo.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay in Dastuurka dalka uu yahay kan uu ku yimid Madaxweynaha, laguna doortey Xildhibaanada, sidaasi si lamid ahna loo baahan yahay in lagu soo dhiso dowlad cusb marka uu dhamaado mudo xileedka Farmaajo, oo 5 bilood ka harsan.

Sheekh Shariif oo khudbad ka jeedinayay Munaasabadda kowda Luulyo oo ay Madasha Xisbiyada Qaran ugu dabaal degeysay ayaa sheegay in jawi doorasho lagu galo aanay haatan muuqan, islamarkaana hay’adaha dowladda, Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ay kala tageen oo aanay heshiis aheyn, loona baahan yahay dib u heshiisiin guud.

“Doorasho waxay u baahan tahay in la diyaariyo, Jawiga ma diyaarsana, maanta haddii la raadiyo hab la isku waafaqsan yahay asigaaba waqti u baahan, maxaa yeelay qof heshiis la ah qofka kale naguma jiro, tusaale dowladda iyo maamul goboleed ma wada shaqeeyaan, golaha shacabka iyo Aqalka sare waa kala tageen," ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Shariif.

Farmaajo ayaa saddex sano iyo bar ku qasaariyay arrimaha aan ku jirin danta qaranka, sida abuurida khilaafyo siyaasadeed, loolanka siyaasiyiinta kasoo horjeeda iyo caburntooda, isagoo ka weecday waajibaadkii loo doortey iyo fulinta balanqaadkii uu doorashadda kusoo galay 2016.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.