War Ugub Ah: Kulankii Rooble iyo Farmaajo oo lagu kala dhaqaaqay

Kulan ay dhexdhexaadinayeen Lafta-Gareen iyo Qoor-Qoor ayaa maanta dhexmaray RW Rooble iyo Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Farmaajo, Keydmedia Online ayaa macluumaad ka heshay kulanka. 

Warar Keydmedia Online
War Ugub Ah: Kulankii Rooble iyo Farmaajo oo lagu kala dhaqaaqay

MUQDISHO, Soomaaliya - Maanta oo Sabti ah, gelinkii dambe ayaa kulan wada-xaajood ah ka furmay xarunta Madaxtooyadda kaas oo ay soo qaban qaabiyeen labada-madaxweyne goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Laftagareen iyo Qoorqoor, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa sidii madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha la iskugu soo dhaweyn lahaa.

Kulankan oo qaatay dhowr saacadood ayaa Keydmedia Online waxaa loo xaqiijiyay arrimaha soo socda:

  • Qodobka ugu adag oo la isku dhaafi waayay ayaa ahaa doorka Fahad Yaasiin ee dilkii Ikraan Tahliil Faarax, halka uu Farmaajo soo istaagay in faraha laga qaado, kiiskana laga leexiyo saameyntiisa ama ku-luglahaanshiisa. Rooble wuxuu ku adkeystay in Fahad uu ka mid yahay dadka eedeysanayaasha u ah dilkii Ikraan, sidaas darteedna uu marayo sharciga si cadaalad loogu helo dilkii Ikraan Tahliil.
  • Arrinta kale oo la isku mari waayay ayaa aheyd in Fahad Yaasiin uusan qeyb ka noqon karin xukuumadda Rooble, halka Farmaajo uu ku adkeystay in Fahad uu yahay mas’uul dowladeed oo garabkiisa ah, isla markaana uusan ka tanaasuli doonin go’aankii uu ku magacaabay oo ahaa Lataliyaha Amniga Qaranka ee Xafiiska Madaxweynaha.

Intaa kadib, labada madaxweyne goboleed (Laftagareen iyo Qoorqoor) ee iskugu yeeray Rooble iyo Farmaajo ayaa soo jeediyay in la dhiso guddi isku dhaf ah oo ka kooban afar xubnood kuwaas oo kala ah:

Dhanka Farmaajo:

  1. C/shakuur Cali Mire – Xildhibaan hore ee Golaha Shacabka (Aad ugu dhow Fahad Yaasiin)
  2. Aadan Qoryooley – Wasiirka Isgaarsiinta Galmudug (Aad ugu dhow Fahad Yaasiin)

Dhanka Rooble:

  1. C/raxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala – Wasiirka Warfaafinta (Aad ugu dhow Rooble)
  2. C/laahi Abuukar Xaaji (Carab) – Wasiirka Waxbarashada (Aad ugu dhow Rooble)

Keydmedia Online waxaa sidoo kale loo xaqiijiyay in Qoorqoor iyo Laftagareen ay wajigabax kala kulmeen Fahad Yaasiin oo ah ninkii hiil iyo hoo fara badan ku siiyay kolkii ay u ordayeen xilka ugu sareeya labada maamul goboleed.

Fahad ayaa ku eedaynaya saaxiibadiis in ay cagajiid ka yihiin xal-u-helida kiiska lagu eedaynayo ee ku saabsan dilkii Ikraan Tahliil Faarax oo 3-dii bishan Waaxda Sirdoonka ay xaqiijisay in argagixisada Shabaab ay dishay, iyadoo aan laga bixin wax cadeymo ah. Kooxda argagixisada Shabaab ayaa warkaas iska fogeysay, sheegtayna in aysan ka dambeyn dilkii Ikraan oo aheyd hawl-wadeenada hay’adda NISA.

Wixii soo kordha kala soco Keydmedia Online

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.