Warar sheegaya in Cali Khaliif Galeyr la sumeeyay

Markii ay bulshada Soomaaliyeed maqleen in Cali Khaliif ku dhintay Jig-jiga ayaa waxaa soo baxay shaki aad u badan.

Warar Keydmedia Online
Warar sheegaya in Cali Khaliif Galeyr la sumeeyay

Shaki badan ayaa ka dhashay sababta uu u dhintay ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Khaliif Galeyr oo ku dhintay magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida.

Inkastoo mas'uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ay sheegeen in Cali u dhintay Covid-19, hadana waxaa soo baxaya warar arrintaasi khilaafsan.

Hoggaamiyaha ururuka ONLF, Cadaani Hirmooge ayaa sheegay in la sumeeyey Cali Khaliif, islamarkaana jirkiisu uu isbedalay.

Wuxuu sheegay in raashinka sun loogu daray, kadibna uu qabtay fuuq-bax, sidoo kalena matag uu ku xijiyey, xaaladaasina waxay ku bilaabatay Jimcihii lasoo dhaafay.

"Odayga cunto ayaa lagu sumeeyey baa nalagu yiri, waa uu fuuq baxay, midabka jirkiisa oo dhan baa isbedalay, arintanna Jimcihii bay ku bilaabatay" ayuu yir Hirmooge.

Baraha bulshada ayaa lagu hadal hayey in ra'iisul wasaare hore Cali Khaliif Galeyr lagu sumeeyey magaalada Jigjiga, iyaga oo tusaale usoo qaatay hal-dooro Soomaaliyeed oo magaaladaasi ku dhintay, kuwasi oo kaalin mug leh ku lahaa dagaalkii 1977 ee Somalia iyo Itoobiya, waxaana ka mid ah Wariye Axmed Cowke, Abwaan Sangub iyo kuwo kale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.