Fah Faahin: Qaraxii ka dhacay Xarunta Hay’adaha SRCS & ICRC ee Kismaayo

Kismaayo (KON) - Qarax nooca gacanta laga tuuro (Bam-Gacmeed), ayaa Maanta oo Khamiis ah ka dhacay Xarunta ay Hay'adaha SRCS & ICRC ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online
Fah Faahin: Qaraxii ka dhacay Xarunta Hay’adaha SRCS & ICRC ee Kismaayo

Goobjoogiyaal ayaa KON u sheegay in Nin uu Bamka gacanta ku tuuray Dhismaha Hay'adahaasi oo xilligaasi ay ku kulmayeen Saraakiil & Shaqaale Soomaaliya & Ajnabi isagu jira, iyadoo Qarax kadib la maqlay Rasaas xigtay oo Ciidanka Illaada ridayeen.

Dhismaha Hay'adaha la weeraray waxa uu ku yaalaa Xaafadda Farjanno ee Magaalada Kismaayo, waxaana soo baxaya Warar kala duwan oo ku saabsan Cida ka danbaysa Qaraxa Maanta.

Lama soo sheegin Khasaaro ka dhashay Qaraxa. Hay'adaha la weeraraay sidoo kale kama aysan hadlin Qaraxa lagu weeraray Xaruuntooda Kismaayo.

Maleeshiyada Kooxda Axmed Madoobe ee maamusha Kismaayo, ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan Qaraxa, maadaama ay Goobta tageen Baaritaanno ay sameeyeen.

Ma jirta Cid sheegatay Mas'uuliyadda, hase yeeshee waxaa Shacabka Kismaayo ku tuhmayaan Weerarka inuu yahay mid Siyaasad la xariirto oo Maamulka Magaalada wax ka ogyahay.

Maamulka Kismaayo waxaa isku haya Dhinacyo badan, oo ay ugu horeeyaan Axmed Madoobe oo Ciidan Kenyaati ah ilaalinayaan & Col. Barre Hiiraale oo Sanado badan soo maamulay Magaalada.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.