Dagaal ka dhacay Mudug

Warar hor u dhaca ayaa sheegaya in Al-Shabaab dagaalka looga dilay afar ruux, walow aan dhinaca kale la xaqiijin karin. 

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Mudug

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa dagaal xooggan oo saaka dadka deegaanka iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaanka Shabeelow oo qiyaastii 20 KM dhinaca beri kaga beegan degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay deegaanka ka afduubteen tiro dad ah uu ku jiro wadaad caan ah, taasoo keentay in bulshada deegaanka ay kacdoon sameeyaan, islamarkaana dagaal kala hor tagaan shabaabka hubeysan ee gobolka ku sugan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid xooggan, islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana daryanka madaafiicada laga maqlayay meel fog fog oo degmada ka mid ah.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab afar ruux dagaalka looga dilay, walow aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray dhinaca dadka deegaanka ee weerarka la galay Al-shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Bacaadweyn Axmed Daahir Macalin ayaa sheegay in ay ku baxayaan deegaanka Shabeelow ee uu dagaalka ka dhacay, isagoona intaa ku daray in wixii faah-faahin ah dib ka soo sheegi doonaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya meelo ka mid degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo hore dadka deegaanka shgeen in ay iska xoreyn doonaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.