Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda Itoobiya

Dagaalka ayaa maanta aad uga xooganaa maalmihii lasoo dhaafay, inkastoo ay adagtahay in macluumaad laha helo, isgaarsiinta awgeed. 

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda Itoobiya

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka ee Itoobiya iyo Maamulka gobolka Tigreyga ayaa ah maanta mid aad uga xoogganaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalkan.

Ciidamdda dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ku dhawaadeen Caasimadda Gobolka Tigreyga, waxaana dagaalkaan kasoo gaaray Ciidamada Itoobiya ee Federaalka khasaare xooggan sidee sheegeen Mas'uuliyiinta Maamulka Tigreyga. 

Ciidanka Tigreega ayaa aag dagaal uga baxay Ciidamada ay dagaalka kula jiraan, waxaana ay ku aadeyn Miino, iyadoo markii ay aaggaasi soo galeen ay Ciidanka Dowladda federaalka ay haleeleen qaraxyo dhowr ah oo is xig-xigay. Ciidanka Tigreega ayaa kadib weerar kusoo qaaday, halkaaso khasaaro badan kasoo gaaray Ciidamadda Dowladda Federaalka Itoobiya. 

Dowladda Federaalka ayaa sheegeysa in dagaalkan ay soo gabagabeyn doonto, halka hoggaamiyeyaasha Tigreega ay sheegayaan in ay is difaaci doonaan inta midkood uu nool ahay.

Dhanka kale, waxaa sii kordhaya dadka ka baracaya dagaaladda Gobolka, kuwaasi oo gaaraya dalka Suudan, halkaasi oo Qaxooti ahaan loogu qaabilayo.

Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in ay waddo qorshe ay ku daad-gureynayso muwaadiniinteeda ku sugan gobolka dagaalladu ka holcayaan ee Tigray ee Dalka Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto isbedellada joogtada ah ee ka dhacaya gobolka sidoo kalena ay ka warqabto xaaladda muwaadiniinteeda halkaas ku nool iyada oo usii mareysa safaaradda ay ku leedahay Addis Ababa.

Wasaaradda ayaa muwaadiniinta Suudaan ee uu halkaasi dagaalka ku qabsaday ugu laab-qaboojisay in si degdeg ah loo daadgureyn doono.

Billowgii bishaan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu Ciidamada Dowladda amar ku siiyay in ay weeraraan Gobolka Tigray oo uu ku tilmaamay in ay ka soo horjeedaan sharciga dalkaas.

Abiy ayaa iska diiday baaqyo nabadeed oo ay usoo jeediyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.