Kiiska dilka Gud Hodon oo soo laba-kacleeyay
Inkastoo la isku mari la'yahay shirarkii gaar-gaarka ahaa ee ka socday xerada Xalane maalmihii u dambeeyay, haddana waxaa lagu soo warramayaa in xubnaha wakiilada Beesha Caalamku ay dadaal muujiyeen
MUQDISHO, Soomaaliya - Xerada Xalane waxaa ka socday shirar gaar-gaar ah oo u dhaxeeya dhinacyada ku loollamaya siyaasadda dalka, islamarkaana isku haya arrimaha doorashooyinka, shalay waxaa kulamo kala duwan sameyay qaar kamida wakiillada xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dadaalkii ugu badnaa ku bixinaya in la isku soo dhawaado, wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleeno halka ay wax marayaan ayaa waxay sheegayaan in saan-saanta dib u billaabashada shirka ay wanaagsantahay, warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in madaxweynayaasha saddexda maamul ee saaxiibka dhaw la ah Farmaajo ay isku dayeen in uu ka tanaasulo laba qodob oo muhiim u ah billaabashada shirka, kuwaasoo kala ah:
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa iyagana laga yaabaa in ay aqbalaan in shirka uu ka dhaco gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, lagana soo wareejiyo Teendhada Afisiyooni iyo xerada Xalane oo ay codsadeen markii hore in lagu qabto shirka, sababo la xiriira amni awgeed!
Dhinaca kale waxaa mugdi galinaya rajada furitaanka shirka qorshaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal ee ku aaddan in uu maanta kaga dhawaaqo golaha Baarlamanka muddo kordhin madaxweynaha iyo Golaha Shacabka, waxayna tallaabadaasi cuuryaamin doontaa rajada laga qabo in wada-hadalladu billowdaan oo ay mira dhalaan weliba.
Madasha Badbaado Qaran ayaa soo saartay qoraal ay uga digeyso muddo kororsiga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, madasha ayaa sheegtay in tallaabada muddada loogu kordhinayo hay'adaha dastuuriga ah aysan gacmaha ka laaban doonin, waxayna uga digeen guddoonka golaha shacabka fulinta tallaabadan.
Madashu waxay sharci darro ku tilmaantay sidoo kale go'aankii guddoomiyaha Golaha Shacabka uu 15 mudane uga joojiyay fadhiga Golaha Shacabka, isla markaana baraha koontaroolada la dhigay magacyada mudanayaashaasi.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments