Kiiska dilka Gud Hodon oo soo laba-kacleeyay
Goobjooge ayaa KON u sheegay in qof isku soo xiray walxo qarxa oo lugeynayay inuu soo galay Maqaayadda kadibna uu is-qarxiyay.
MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan oo Is-miidaamin ahaa ayaa Caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo ay ka dhasheen khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobjooge iyo Afhayeenka Booliska Doodishe ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof, oo shacab ahaa, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.
Qaraxa ayaa dhacay kadib markii uu qof ku xirnaa walxo qarxa uu isku qarxiyay Maqaayad Shaah laga cabo oo ku taalla Xaafadda Saddexda Geed ee degmada Shangaani, waxaana la ogeyn bartilmaameedka qofka uu ahaa.
Ciidamada booliska ayaa goobta xiray qarax kadib, iyadoo Gaadiidka Gurmadka uu dhaawacyada iyo meydadka u qaaday Isbitaal. Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyadda weerarka oo lagu soo beegay xili Maanta Shir uu ka furmay Afisyooni.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments