Soomaaliya oo kusoo labakacleeyay COVID-19

120 qof ayaa sanadkii tagey 2020 COVID-19 ku dilay Soomaaliya, kuwaasoo badankooda Muqdisho ku noolaa, waxaana sanadka billowdga ah la diiwaangeliyay dhimashadda 30 qof.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo kusoo labakacleeyay COVID-19

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa dib ugu soo rogaal-celiyay Soomaaliya Cudurka Coronavirus-ka, oo si ka badan sanadkii hore dad ugu dilaya Wadanka, gaar ahaan Muqdisho.

Dhaqaatiirka Martini hospital, ayaa sheegay in sanadkan cusub oo bishii labaad lagu jiro ay diiwaangeliyeen dhimashadda 30 qof oo u geeriyootay Coronavirus, islamarkaana boqolaal kale ay u jiifaan.

Sii hayaha Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar waxay sheegtay in 52% ay kordheen kiisaska COVID-19 sanadkan, waxayna sheegtay in tirada dhimashadda guud ahaan tan iyo 2020 ay gaartay 154.

48-dii saac ee ugu dambeeyay waxaa laga helay Cudurka 90 qof, oo 66 kamid ah ku nool Muqdisho, waxaana la diiwaangeliyay dhimashadda 2 qof. Dadka uu soo ritay waxay gaarayaa 5,273.

Waxaa ka caafimaaday 3,750. Soomaaliya wuxuu cudurka kusoo noqday markii la furay diyaaradaha oo dad badan maalin walba soo galaan, kuwaasoo baaritaan fiican la marsiin marka ay Garoonka kasoo degayaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.