Xaaladda Baladweyne ee galabta

Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ka taagan xaalad aad u kacsan, iyadoo saakay magaaladu ka dhacayn dagaallo, sidoo kalena waxaa dhacay dibadbaxyo rabshado wata.

Warar Keydmedia Online
Xaaladda Baladweyne ee galabta

Sida ay Keydmedia Online ogaatay, waxaa maanta xiran dhamaan xarumihii Ganacsiga magaalada, sidoo kale waxaa magaalada laga dareemayaa abaabul ciidan oo u dhaxeeya Maleeshiyaadka uu wato Jeneraal Xuud oo diiddan Maamulka Hirshabelle, taageerana ka helaya mid ka mid ah beelaha deggan Baladweyne iyo ciidanka DFS oo difaacaya Maamulka Hirshabelle.

Dagaalkii saakay dhacay waxaa soo qaaday Jeneraal Xuud, waxaana ay qabsadeen qeybo ka mid ah magaalada, iyo dhowr xaafadood, waxaana ay gacanta ku dhigeen wadadii ka imaaneysay Garoonka Baladweyne ee gudaha magaalada soo galaysay.

Dadka carreysan ee dibadbaxa dhigaya ayaa diiddan Maamulka cusub ee Hirshabelle, iyadoo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi uu joogo magaalada Baladweyne.

Dhanka kale, waxgaradka Baladweyne ayaa u muuqda kuwo ka jiifa xaaladdan, iyadoo haddii magaalada sidan kusii socoto ay cagta gelin doonto dagaallo culus.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.