Wararkii ugu dambeeyey shirka ka socda Villa Somalia

Waxaa la filayaa in gabagabda shirkan laga soo saaro qorhe cad, iyadoo la dhisayo guddiyada doorasho ee heer federaal iyo heer dowlad goboleedka.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyey shirka ka socda Villa Somalia

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa shir wuxuu uga socdaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkan ayaa saacadihii ugu dambeeyey waxaa aad looga wadahadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka, gaar ahaan guddiyada doorashooyinka heer federaalk iyo heer dowlad goboleed.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay guddiga xallinta khilaafaadka, welina wadahadalka uu yahay mid socda.

Arrinta kale ee shirkan diiradda lagu saarayo ayaa ah, magaalada Labaad ee doorashooyinka lagu qabanayo, marka laga soo tago caasimadaha dowlad goboleedyada.

Waxaa la filayaa in gabagabda shirkan laga soo saaro qorhe cad, iyadoo la dhisayo guddiyada doorasho ee heer federaal iyo heer dowlad goboleedka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa laga yaabaa in guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal uu ka dhigo la-taliyahiisa dhanka doorashooyinka.

Saamileyda siyaasadeed ayaa ka war dhowraya waxa kasoo bixi doona shirka ka socda Villa Somalia.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.