NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Caasimadda waxaa maalintii saddexaad ka soconaya Shir ay leyihiin Musharaxiinta u taagan Doorashada Xilka Madaxweynaha ee 2020/2021.
MUQDIHSO, Soomaaliya - Musharraxiitan ayaa Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxay kaga hadleen shirkooda arrimo ku aaddan dowladda dhexe iyo qorshaheeda ku aaddan guddiga doorashada.
Waxa ay dalbadeen in guddiga doorashada wax badan laga bedalo, maadaama laga soo dhex xulay shaqaalaha rayidka ah iyo sidoo kale Saraakiil ka tirsan Hay'adda Nabad Sugidda ee NISA.
Kulankii shalay waxaa ka qeybgaay bulshada rayidka iyo culimada, waxaana maanta la filayaa in shirka ay ka qeybgaaan Haweenka iyo dhallinyrada, iyadoo sidoo kale lagu casuumay hoggaanka Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Shirkan ayaa sidoo kale la filayaa in maanta lasoo gabagabeeyo, waxaaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku saabsan mowqifka Musharaxiinta.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments