Wararkii ugu danbeeyay Shirka ka socda Dhuusamareeb

Shirka wada tashiga ee u furmay Madaxda Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalintiisa koowaad looga hadlay arrimaha Xildhibaanada Gobalada waqooyi iyo Gobalka Gedo.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu danbeeyay Shirka ka socda Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Galin-kii hore ee shirka ayaa si adag loo gorfeeyay ajandaha arrinta kuraasta Soomaaliland, Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada la hadleen Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Ra’iisul Wasaare Roobe ‘Rogane’ ayaa madasha ka sheegay in hab raaca loo maray magacaabidda guddiyada Soomaaliland ay tahay mid sax ah, walina ay diyaar u yihiin in tabashiiyinka dhageystaan.

Mid kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa soo jeediyay in qilaafka ka dhaxeeya xubanaha Soomaaliland, sida Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul wasaare ku xigeynka, ay iyagu xaliyaan oo ay soo heshiiyaan, wixii ay isku soo afgartaanna usoo gudbiyaan shirka.

Waxaa jirta soo jeedin kale oo Cabdi Xaashi Cabdullahi lala wadaagay oo ah in guddiga la magaacay ee soo xulaya Baarlamaanka Gobalada Waqooyi xubno loogu darro si la isugu soo dhawaado

Gobalada Waqooyi ayaan goobjoog ka ahayn kulanka, Farmaajo ayaa diiday in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu ka qeyb qaato shirka ka socda Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Senator Cabdi Xaashi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay ka maqnaashiyaha shirkaasi inuu eedeeda leeyahay Madaxweyne Farmaajo oo iska indha-tiraya doorka uu leeyahay guddoomiyaha ee ku aaddan matalaaddiisa Somaliland.

Waxaa loo gudbay wajiga Labaad ee shirka waxaana meel adag maraya ka hadlidda arrinka Gobalka Gedo oo ka mid ah tiirarka ugu adag ee la isku hayo.

Shirkaan waxaa goob-joog ka ahaa, Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble, Madaxweynaha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Qoor-qoor, Puntland, Dani, Jubbaland Madoobe, Koonfur-Galbeed Lafta-gareen, Hirshabeelle Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finsh.

Qodabada looga hadlayo Shika Dhuusamareeb iyo waxa ka soo bixi kara

Sida ay ogtahay Keydmedia Online, waxyaabaha shirkaan looga hadlayo waxaa ugu muhuumsan Afar arrimood oo waaweyn, oo kala ah, xaaladda Gobalka Gedo, soo xulidda xildhibaanada Gobalada Waqooyi, Guddiga Doorashooyinka dadban iyo 13-ka Kursi ee Aqalka sare ee lagu sheegay mataladda Gobalka Banaadir.

Gobalka Gedo: Tan iyo markii ay bilaabatay xaaladda Gobalka Gedo, waxa ay ahayd mid aan xal laga gaarin waxaana maslaxad walba diidanaa Farmaajo oo doonaya in Gobalkaas uu unug u noqdo boobka uu doonayo inuu ku sameeyo doorashada dalka. Hadda xaalku sidii hore maaha, waqtiguna wuu dhamaaday, waxay u muuqataa in Madoobe iyo Farmaajo ay si dhab ah u gorfeyn doonaan xaaladda Gedo, waxayna noqon kartaa dhowr arin middood.

  1. In laga laabto heshiiskii September la gaaray ee ahaa in doorashda Baarlamaanku ay ka dhacdo Labo Magaalo Maamul Goboleed kasta, isla markaana goobaha doorashooyinku ka dhacayaan lagu soo kobo hal magaalo, taas oo ka dhigan in doorashada xildhibaanada ka imaanaya Jubbaland lagu soo doorto Kismaayo.
  2. In Farmaajo iyo Madoobe, ku heshiiyaan kurasta taalla Gobalka Gedo oo mid walba tira cayiman soo xusho.
  3. In ciidamada Dowladda dib looga soo saaro Gedo, laguna wareejiyo Maamulka Jubbaland, loona madax baneeyo sida maamulada kale.
  4.  In ay ubuc u noqoto is faham-waa iyo burburka Shirka taas oo keeni karta fara-galin shisheeye.

Xildhibaanada Gobalada Waqooyi: Arrintaan waa xaalad kale oo masiiri ah, waxayse u muuqataa in aan la siin muhiimadda ay leedahay, siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaaliland waxaa sharci ahaan ugu sarreeya Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, Farmaajo ayaana u diiday in uu ka qeyb galo shirka Dhuusamareeb, inkastoo Dani iyo Madoobe yooyootan adag gali doonaan arintaan, hadana ma muuqato in maqaamkii ay lahayd la marsiiyay, haddi ay wufuud kale ku kororto shirka waa macquul in arintan wax iska badalaan.

Farmaajo, wuxuu huteelada Xamar ku xareeyay siyaasiyiin  kasoo jeeda Soomaaliland oo uu doonayo inuu ka dhigo Xildhibaanada ka imaanaya Gobalada Waqooyi, xaaladda ka taagan is mari waaga Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Farmaajo waxay ahaan doontaa xaalad taagan haddii uusan shirku ballaaran oo aan madaxda hadda ka qeyb galeysa kuwo ka duwan aysan soo xaadirin.

Guddiga Doorashooyinka dadban: Mid kamid ah is mari wagga ugu adag wuxuu ka jiraa guddiga uu Farmaajo magacaawday ee ka yimid DF, iyo maamullada taabacsan taas oo ay ka hor yimaadeen Midowga Musharixiinta, arrintaan waxay u muuqtaa in Farmaajo tanaasuli doono, oo Siyaasiyiinta mucaaradka loo ogolaan doono in ay soo gudbiyaan liiska xubnaha ay diidan yihiin.

13 Kursi ee Gobalka Banaadir: Arrintaan waa olole uu Farmaajo ugu tala galay doorashadiisa mana muuqato waddo uu gobalka Banaadir ku heli karo 13 kursi oo ka tirsan Aqalka Sare iyadoo aan la helin maqaam uu gobolku yeeshu, Xubnaha Aaqalka Sare waxaa soo doorta Baarlamaanka Maamul Goboleedyada sida sharcigu qabo, sidaas darraadeed maadaama uusan gobalka Banaadir ahayn Maamul Goboleed, isla markaana uusan lahayn Gole degaan oo wax doorta 13-ka kursi waxa ay u muuqdaan kuwo aan lagala soo laaban doonin Shirka Dhuusamareeb.

Keydmedia Online, waxa ay xasuusaneysaa in Saaxiibada beesha caalamka ay sheegeen in aan waxba laga baddali karin heshiiskii lagu gaaray Muqdisho bishii September, hayeeshee KON ayaa fahansan in Beesha Caalamku ay soo dhaweyn doonto, haddi qodobo heshiis lagu yahay oo loo dhan yahay lagu gaaro shirkaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.