Wararkii ugu danbeeyey Qaraxyo ka dhacay Kampala

Labo qarax oo xooggan ayaa maanta ka dhacay Magaalada Caasimada u ah dalka Ugandha ee Kampala, waxanna ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu danbeeyey Qaraxyo ka dhacay Kampala

KAMPALA, Uganda - Inta la ogyahay 6 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalana oo gaareysa 33 wey ku dhaawacmeen qaraxyo labo ah, oo maanta ka dhacay Magaalada Kampala.

Qaraxyada ayaa ka dhacay meel u dhaw dhismaha Baarlamaanka Uganda, waxaana la sheegayaa in tirada dhimashadu ay kamid yihiin saddex qof oo is-qarxisay iyo 3 shacab ah.

Dadka dhaawacmay waxaa qeyb ku jira labo Sarkaal oo ka tirsan booliska dalka Uganda, kuwaasoo markii ay qaraxyada mataanaha ah dhacayeen ku sugnaa goobta.

Booliska Uganda ayaanan ilaa iyo iminka sheegin cida ka dameysa qaraxyada ismiidaaminta Kampala, iyagoo xiray aagga uu weerarka ka dhacay oo ganacsiga caan ku ah.

Koox fallaago ah oo lagu magacaabo allied democratic forces [ADF], ayaa lagu soo waramayaa inay mas'uul ka tahay weerarka, taasoo mas'uuliyadiisu dhabarka u ridatay.

Bishii lasoo dhaafay, qarax ka dhacay meel maqaaxi ah ayaa waxaa ku dhimatay gabar, iyadoo saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Uganda ayaa gashay xaalad amni darro.

Geeska Afrika ayaa u muuqda Gobol uu ku baahayo amni darrada, waxaana mudooyinkii ugu danbeeyey ka dhacayey weeraro u badan kuwo argagixisanimo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.