Warbaahinta dowladda waligeed isma bedalayso!

Waa hadal la iska yiri oo aan u fuli doonin sida loo yiri.

Warar Keydmedia Online
Warbaahinta dowladda waligeed isma bedalayso!

Maaxweyne Farmaajo oo waqtigiisa kursiga uu gebogebo yahay ayaa soo hindisay in Warbaahinta Dowladda loo bedalo mid bulsho, taasi oo tebin doonta wararka dowladda, Mucaaradka iyo kuwa bulshada kale.

Laga soo bilaabo dowladdi Maxamed Siyaad Barre illaa iyo iminka oo dalka Farmaajo uu maamulo, warbaahinta dowladda ma aanay ahayn mid bulsho, waxaana ay mar walbo xoogga saari jirtay buunbuuninta maamulka xilligaasi jira.

Waa macquul in maalmo kooban la isku dayo in lasoo jiito dadka, islamarkaana la muujiyo in warbaahinta dowladda uu isbedal ku yimid, laakiinse taasi ma ahan mid sii socon doonta.

Ka sokow Warbaahin ahaan, dhallinyarada ka shaqeeya Warbaahinta Dowladda ayaanba u tababarneyn tabinta wararka kale, sababtoo ah badi waxaa lagu geeyey garab iyo qabiil.

Haddii mucaarad hadalkiisa laga deynayo Warbaahinta Dowladda, waa kuwa dowladda un hoosta uga jira ee aan ahayn mucaaradkii saxda ahaa ee wax dhaliilayey.

Dadka qaar ayaa qaba in tani Farmaajo uu uga golleeyahay marka uu xilkan ka dego in halkaasi aragtidiisa uu ku gudbisto, balse waa sida ay isaga hadda la tahay.

Dhanka kale, Somaliland ayaa dhowaan warbaahinteeda ka dhigtay mid u siman mucaarid iyo muxaafid, DFS waxaa loo arkaa in taasi ay daba socoto kana tahay "facaaga wixii uu falay fal"

Hadaba la arki doonee waxa ka dhaqan-gala hadalkan, lana sugi doonee iyadoo dad badan ka cabanayaan wararkooda oo si xun loo dhigay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.