Warbixin: Muxuu Farmaajo isugu sahaa Adan Cabdulle Cismaan?

Bulshada Soomaaliyeed ayaaa la yaab iyo amakaag ku tilmaantay in mid ka mid ah Madaxweynayaashi ugu liitay ee soo mara dalka uu isla meeldhigo Madaweynihii ugu muhiimsanaa gayiga Soomaalida taariikhda.

Warar Keydmedia Online
Warbixin: Muxuu Farmaajo isugu sahaa Adan Cabdulle Cismaan?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddadu ka dhamaatay ee Soomaaliya Maaxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa billaabay olole doorasho, wuxuuna aaminay in waddada kaliya ee u furan ay tahay marin habiin bulsho oo ku aaddan waddaniyad sheegasho aan waxba ka jirin.

Farmaajo oo afartii sano ee laa soo dhaafay galay gabbood-fallo aan hore gayiga Soomaaalda uga dhicin, isla-markaana gabey guud ahaan howlihii loo igmaday, ayaa mar kale doonaya inuu qaab indho sarcaad ah ku qaato xilka ugu sarreeya dalka.

Doorashadii uu ku soo baxay afar sano ka hor, wuxuu ku ololeeyay waxa loo yaqaan Itoobiyaan nacayb, hayeeshee, waxaa loo diiwaan galiyay inuu yahay Madaxweyniihii xiriirkii ugu xoogganaa la yeeshay hoggaanka Itoobiya.

Wuxuu madaxtooyadiisa labaad ka dhigtay Addis Ababa, wuxuuna markii ugu horreysay muwaadiniin xornimo doon ah gacanta u galsahy Xabishida, ka hor inta uusan kumanaan dhalinyaro ah si khiyaano iyo khasab isugu jira uusan uga dagaal galin waqooyiga Itoobiya.

Wuxuu xiriirkii waalaalnimo ee Jabuuti ku badashay saaxiibtinimada Isaias Afwerki, ka hor inta uusan diblumaasiyaddii soo jireenka ahayd ee Keyna, Emaaraatka, Masar iyo Sucuudi Carabiya ku tuman.

Farmaajo, wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horreeyaay ee kursiga isku dhajiya labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxaana loo dhiiwaan galiyay hoggaamiyihii koobaad ee xilka qoray ku doonay tan iyo hoggaamiye kooxeedyadii.

Dhacdooyinka la diiwaan galiyay oo dhamaantood ah kuwo dhiillo xambaarsan soona xiray dhamaan irdihii kale, waxay sababeen in Farmaajo isku saho Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabduule Cismaan, isagoo sheegana inuu la mid yahay, marka la eeggo waddaniyadda iyo dal jacaylka.

Haddaba, Su’aalaha is wediinta mudan ayaaa ah, Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan Cadde, ma halgaamaa Soomaaliyeed ayuu u garaba duubay cadowga Soomaaliya? Ma ciidamo Soomaaliyeed ayuu ugu deeqay difaaca Itoobiya? ma dadka ka aragtida duwan ayuu ku duulay? ma dastuurka dalka u yaalla ayuu ku tuntay? ma kursiga ayuu isku dhajiyay,? mise magaalooyin Soomaaliyeed ayuu go’doomiyay, si hooyiiyinku u umul raacdaan?

Intaas iyo in ka badan oo Farmaajo caan ku yahay, Aadan Cadde, waligiis looma qorin, hayeeshee, waxay arrintu u muuqataa in la waayay meel kale oo Farmaajo ciirasan karo, bulshadana ku beer laxawsan karo, Ma aha Madaxweyne Aadan in afka la ga sheegto ee waa in dhaqankiisa lala yimaado.

Farmaajo, wuxuu  hore si toos ah ugu gafay AUN, MW Aadan, wuxuuna bogga 50-aad ee buuggii uu kaga qalinjebiyey marqaatiga labaad ee Jaamacadda, ku xusay in Aadan Cadde uu ahaa adeege gumeysi, isla-markaana ay qabiilkiisu gacansaar la lahaayeen isticmaarkaa.

Waxaa jira warar aan la xaqiijin runtooda oo sheegaya in maalmaha soo socda ay maamulka TPLF, soo bandhigayaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay ku qabteen dagaalkii gobolka Tigray, taas oo khasab ka dhigi doonta in Farmaajo lagu eedeeyo Khiyaaano qaran, laga hor istaago qabashada xil umadadeed loona maxakamadeeyo danbiga uu galay.

KEYDMEIDA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 29 November 2021 4:48

12-kii April, markii Farmaajo, samaystay muddo kodhitii labada sano, [Sharci-darro], Beesha Caalamka, lama imaan qorshe cad, waxa ay kaliya ku celceliyeen, in dib-u-dhac doorasho, mid is-barbar socota iyo muddo kordhin aan la aqbali doonin.