Warbixin: Ximan & Xeeb oo horey u diiday Heshiiska, haddana ogolaaday!! {Dhageyso}

Muqdisho (KON) - Shalay waxaa markale ka dhacay Madaxtooyadda, Villa Somalia Heshiis lagu maamuusayay Ogolaanshaha Maamulka Ximan & Xeeb ee ah inay kamid noqdaan Maamulka KMG ah oo loo dhisayo Galgaduud & Mudug.
Warar Keydmedia Online
Warbixin: Ximan & Xeeb oo horey u diiday Heshiiska, haddana ogolaaday!! {Dhageyso}

Warbixintan ayaa Keydmedia Online waxa ay ugu kuurgashay Sababaha ay Ximin & Xeeb u ogolaatay Hindisaha Dowladda Federaalka ee Maamulka loogu dhisayo Gobolada Dhexe & Waxyaabaha hadda ku kalifay inay Shalay diidaan, Maantana ogolaadaan.

Ka hor Munaasabada, ayaa waxaa shir gaar ah Villa Somalia ku yeeshay Ra’iisal Wasaaraha DFS C/weli Sheekh Axmed, Ku Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxa'ed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Nicolas Kay, Madaxweynaha Ximin & Xeeb iyo xubno kale oo wehlineysay.

Madaxweynaha Maamulka Ximin & Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex), ayaa waxa uu Madasha ka sheegay in iminka ay taageerayaan hirgelinta Maamulka Gobolada Dhexe, kadib markii loo ogolaaday Shuruudihii ay dalbanayeen ee ahaa in Madasha Shirka Maamulka loogu samaynayo Mudug & Galgaduud.

Maamulka Ximan & Xeeb waxa uu horey u diiday Heshiis kan ka horeeyay oo Villa Somalia ay ku wada saxiixdeen Xubno matalayay Gobolada Dhexe, kaasi oo ahaa in la mideeyo Maamulada ka jira Gobolada Galgaduud & Mudug, oo  Dowladda Federaalka Soomaaliya hormuud ka tahay.

Geedi socodkan Cusub ee billowday ayaa wajahaya Caqababo badan oo ah "Looma-dhama" oo dhinac kasta doonayo in uu kasoo muuqdo Muraayadda, taasi oo Dowladda Dhexe ay dhabarjab ku ah inay Nidaamka Federaalka ka hergeliso Guud ahaan dalka.

"Shacabka Ximan & Xeeb waxa ay si weyn usoo dhaweynayaan in Maamul loo dhan yahay laga hergeliyo Gobolada Galgaduud & Mudug, Maamulkayga waxa uu Dhaqaalo & Dadaal badan ku bixiyay in Shir Maamul u samayn ah lagu qabto Magaalada Cadaado, iyadoo cidna garab nagu siin," ayuu yiri C/laahi Cali Maxamed (Baarleex).

Xafladii Shalay ee Villa Somalia, waxa ay Dhinacyadu ku go’aamiyeen in Gogosha la dhigo Magaalada Cadaado, halkaas oo laga sii amba-qaadi doono dhamaystirka Maamulka KMG ee Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, Wakiiladda Dalalka Shisheeye ayaa si weyn usoo dhaweeyay Ogolaanshaha Maamulka Ximin & Xeeb ee Heshiiska, waxaana RW C/weli uu sheegay in Xukuumadiisa ay Habeen & Maalin ay garab taagantahay Maamulka loo samaynayo Galgaduud & Mudug.

Ximin & Xeeb, ayaa 30-kii bishii hore ee July ka hor timid hindisaha Maamulka Gobolada Dhexe, iyadoo Madaxda Dowladdu ku eedeysay in looga been abuurtay shirkaasi, isla-markaana aynaan saxiixin in ay ka mid noqoneyso Dhismaha Maamulka Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Faanoole fari kama Qodna, Wali waxaa Heshiis ka maqan inay kusoo biiraan Maamulka Ahlu Sunna oo hadda gacanta ku haya inta badan Gobolada Maamulka loo samaynayo, waxaana Ahlu Sunna ay kasoo horjeedaan in Maamulka la dhisayo oo kala jarayo Maamulkooda Hiiraan & Gobolka Galgaduud.

Maamulka Puntland ayaa si weyn uga soo horjeysatay in Maamul loo sameeyo Galgaduud & Mudug, waxana uu Madaxweyne C/weli Gaas shaaciyay Horaanta Bishan in Maamulkiisa uu Xariirkii u jaray Dowladda Dhexe, waxaana uu ugu yeeray Garoowe Xildhibaanada & Wasiirada ugu jira Dowladda Fededaraalka Soomaaliya.

RW C/weli ayaa yiri: "Waxaan u mahadcelinayaa Ximan & Xeeb Besaylka & Garashada la timid ee ay ugu soo biirtay Geedi-socodka."

C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa yiri: "Waxaan dareensanahay inay dhamaatay xilligii la dhahayey Soomaaliya Mucaarad ayay leedahay."

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho