Warbixinta sanadlaha ah ee dhaqannada xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay warbixin sanadle ah oo ay uga hadleyso waddanka Soomaaliya, sanadka 2020 ayaa looga hadlay Warbixinta sanadlaha ah ee Dhaqannada Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Warbixinta sanadlaha ah ee dhaqannada xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay sanadka 2020 ayaa aad looga hadlay Xuquuqda aadanaha waddanka soomaaliya. Warbixin sanadeedka arrimaha xuquuqul insaanka ee ay dowladda Mareykanku sannad walba mar shaaciso ayaa lagu tibaaxay in xaaladda xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed ay sii xumaatay sannadkii tagay ee 2020.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in xad-gudubyo badan ay dhaceen sanadkii 2020 kuwaasoo ay geesteen ciidamada dowladda Soomaaliya "Gudaha Soomaaliya xubno ka tirsan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa amniga ee dowladdu waxay geysteen xadgudubyo badan." ayaa lagu yiri warbixinta.

Arrimaha muhiimka ah ee xuquuqda aadanaha ee warbixinta lagu sheegay waxaa ka mid ahaa:

  • Dilal sharci darro ah oo ay geysteen ciidamada dowladda;
  • Jirdil iyo naxariis daro, bini’aadanimada ka baxsan, ama sharaf dhac ay dowladu kula kacdo muwaadiniinteeda.

Dhinaca xabsi dhigidda iyo xariga lagula kaco mas'uuliyiinta iyo shakhsiyaadka ka aragtida duwan maamulka talada haya ayaa warbixinta lagu sheegay in ay jiraan xarig ama xabsi aan loo aabbo yeelin kuwaasoo loo geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan waddankooda.

Dhinaca maxaabiista waxaa lagu sheegay in ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo xabsi u galay doorkooda aragti ee siyaasadda oo ka duwan dhinaca kale, waxaana lagu sheegay warbixinta in ay jiraan waxa loo yaqaan Maxaabiista siyaasadeed;

Dhinaca Garsoorka waxaa lagu tilmaamay in ay liidato madaxbannaanida garsoorka iyo caddaaladda, waxaana sidoo kale lagu xusay warbixinta dhibaatooyinka halista ah ee madaxbanaanida garsoorka ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Warbixnta waxaa kale oo lagu xusay in ay dhaceen dilal loo geystay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, inkastoo aan lakala qaadin qolada geysatay dambiyada ugu badan ee dilalka dadka rayidka ah, haddana waxaa jira in labada dhinac ee awooddooda ciidan isku haya gudaha Soomaaliya waa dowladda iyo kooxda Al-Shabaabe ay geestaan labadoodaba xadgudubyada halista ah ee iskahorimaadka gudaha, oo ay ku jiraan dilka dadka rayidka ah,

Kasokow jirdillada iyo xadgudubyada jireed ama ciqaab, waxaa lagu eedeeyay maamulka talada dalka haya qorista sharci darrada ah iyo adeegsiga carruurta askarta ah, iyadoo dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ay qeyb ka tahay askareynta caruurta aan xitaa qaan-gaarka ku dhaweyn.

Xadgudubyada kale ee la xiriira khilaafaadka, xannibaadaha culus ee xorriyatul-qawlka, saxaafadda, iyo internetka, oo ay ku jiraan rabshadaha, hanjabaadaha, ama qabqabashada aan sharciga ahayn iyo dacwadaha ka dhanka ah saxafiyiinta ayaa lagu sheegay iyadana in ay qeyb ka tahay waxyaabaha la dhaxlay sanadkii tagay ee 2020 

Warbixinta waxaa lagu xusay in ay jirto awood la'aan haysata muwaaddiniintu inay si nabad ah ugu beddelaan dowladdooda iyadoo loo marayo doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxaana lagu sheegay in ay jirto xaddidaadda ka-qaybgalka siyaasadda ee bulshada Soomaaliyeed.

Falalka la xiriira musuqmaasuqa ee baahsan, baaritaan la’aan iyo la xisaabtanka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka ayaa lagu qoray in ay meesha ka maqantahay, waxaana xusid mudan in sanadkii tagay la diiwaan galiyay tacaddiyo loo geystay dumar fara badan, sidoo kalena musuqa ayaa isagana sanad walba sii kordha oo wuxuu gaaray heer laga quustay in wax laga qabto!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].