Wariyeyaal caan ah oo lagu xiray Jowhar

Ciidamada Booliska Maamul goboleedka Hirshabeelle, ayaa xabsiga dhigay suxufiyiin magaalada Jowhar ka waday tababarro lagu kordhinayo aqoonta wariyayaasha degaanka.

Warar Keydmedia Online
Wariyeyaal caan ah oo lagu xiray Jowhar

JOWHAR, Soomaaliya - Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate - SJS, Cabdalla Axmed Muumin iyo Madaxa Tababarada SJS  Hanad Cali  Guuleed, oo ah saxafiyiin caan ka ah Caasimadda iyo guud ahaan dalka, ayaa maanta lagu xiray magaalada Jowhar.

Xarigga saxafiyiintaan ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo tababarro sare loogu qaadayo aqoonta wariyayaasha ka howl-gala magaalo madaxda gobolka Shabeellaha dhexe oo maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen Jowhar.

Xoghayaha Ururka, Cabdalla Axmed, oo saaka qoraal ku daabacay degalka uu Facebook ku leeyhay, ayaa sheegay in shalay Ciidamadu in muddo ah ku hayeen saldhigga booliska, halkaasna lagu weydiiyay su’aalo la xariira tababarka.

Waxay na weydiiyeen waxa uu ku saabsan yahay tababarka, cidda fasaxa na siisay, liiska suxufiyiinta aan tababareyno, qabiilladooda iwm. Waxaan u sheegay in suxufiyiintu qabiil ahayn. Waxaan kaloo u sheegay inaan annaga urur ahaan aanan baad bixinin. Arrintaas way ka caroodeen, waxayna iigu goodiyeen inay i xirayaan”. Ayuu yiri Muumin.

Daqiiqado kadib, markii uu qoraalkaan soo dhigy bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayay mar labaad ciidamo dib ugu celiyeen saldigga, waxaana lala xiray Hanad Cali  Guuleed, oo ka tirsan SJS iyo warbaahinta Goobjoog.

Tababarka ay qabanayeen Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate - SJS, waxaa ka faa’iideysanayay in ka badan 20 saxafi oo rag iyo dumar isugu jira, waxaana diiradda lagu saarayay Xorriyadda Warbaahinta iyo Badqabka Suxufiyiinta.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu halista badan ee lagu dilo laguna xiro Suxufiyiinta, iyadoo dowladda Farmaajo ee waqtigu ka dhamaaday iyo Maamul Goboleedyada lagu eedeeyay inay geysteen xad-gudub ka dhan ah bini'aadanimada iyo xuquuqda warbaahinta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.