Wariyayaal lagu xiray magaalada Guriceel

Wariyayaal caan ka ah Galmudug, ayaa xalay lagu xiray saldhigga booliska magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

News Keydmedia Online
Wariyayaal lagu xiray magaalada Guriceel

GURICEEL, Soomaaliya - Ciidamada amniga Galmudug ee ku sugan Guriceel ayaa xalay xabsiga dhigay wariyayaasha kala ah Cabdiwali Maxamed Tooxow iyo Cabdulqaadir Cabdullaahi CC, kuwaas oo ka mid ah saxafiyinta ugu caansan Galgaduud.

Sida ay sheegeen wariyayaal madax-bannaan oo fadhigoodu yahay Dhuusamareeb, Tooxow iyo CC  ayaa looga yeeray saldhigga booliska Guriceel ka hor inta aan xabsiga lagu hubsan, mana cadda sababta ka danbeysa xarigga wariyayaasha.

Wariyayaashaan waxay ka mid yihiin saxafiyiinta aadka uga faallooda dhacdooyinka ka dhaca degaannada Galmudug, waxaana dhowr jeer oo hore loo xiray warar ay ku qoreen bogga gaarka ee uu ku leeyahay Facebook.

Sanadkii hore, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo hadal ka jeediyey kulan tacsi loogu sameynayey saraakii Gaalkacyo lagu dilay, ayaa u hanjabay wariyayaasha baahiya, wararka tilmaamaya qaladaadka maamukiisa.

Soomaaliya waxay kamid tahay meelaha ugu khatarta badan ee lagu dilo, lagu xiro, looguna hanjabo wariyeyaasha, iyadoo loo sababeeynayo isla-xisaabtan la'aanta iyo colaadaha mudada dheer ka jira wadanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.