Wariye Cabdikhaadir Mursal oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun, waxaa Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Wariye Cabdikhaadir Maxamed Mursal oo kamid ahaa weriyayaasha ruug caddaaga ahaa ee muddada dheer ka howl-galayay saxaafadda Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Wariye Cabdikhaadir Mursal oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka

Allaha u naxariistee Cabdikhaadir Maxamed Mursal ayaa muddadii dambe ku xanuunsanaa dalka mareykanka ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis. 

Marxuumka ayaa muddo bil ah ula jiifay isbitaalka cudurka COVID 19.

Cabdikhaadir Maxamed Mursal ayaa soo noqday Agaasimahii Radio Muqdisho, wuxuuna ahaa soo saaraha Barnaamijyo aad looga dhageysan jiray Soomaaliya. 

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.