Wariye Kilwe oo Maxkamad lasoo taagay

Madaxweyne Deni ayaa Maanta sheegay in Wariyaha uu dembiile yahay, oo cadaaladda lasoo taagayo.

Warar Keydmedia Online
Wariye Kilwe oo Maxkamad lasoo taagay

GAROOWE, Puntland - Wariye Kilwe Aadan ayaa Maanta kasoo hor-muuqday Maxkamadda Ciidanka Puntland kadib labo bilood oo uu xabsiga ku jiray, iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay wariyaha inuu sameeyay kicin dadaweyne iyo inuu warar been abuur ah oo khalkhal geliyay deganaanshaha ku daabacay boggiisa Facebook.

Laakiin qareenka u doodaya Suxufiga wuxuu sheegay in eedeymaha yihiin kuwa xaqiiqda ka fog, islamarkaana kiiska Kilwe la siyaasadeeyay islamarkaana si sharci darro ah loogu hayay xabsiga 60 maalmood.

Ciidanka amaanka ayaa xiray Kilwe 27-kii December 2020, kadib markii uu warar ka soo tebiyay dibad-bax looga cabanayey sicir-bararka oo ka dhacay magaalada Garoowe.

Todobaadyo ayaa la waysanayaa halka uu ku xiran yahay, waxaana markii dambe la ogaadey in lagu hayo xarunta Ciidanka Sirdoonka ee Garoowe, iyadoo markii dambe loo wareejiyay xabsiga Dhexe.

Puntland waxay kamid tahay degaanada Soomaaliya kuwa loogu dhibaateyn badan yahay wariyeyaasha, iyadoo lagu caburiyo xoriyadda hadalka iyo warbaahinta madaxa-banaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.