Wariye lagu dhaawacay Muqdisho

Dhaca Taleefonka gacanta [Mobile]. ayaa kusoo kordhaya magaaladda Muqdisho, taasoo ka tarjumeysa amni xumo.

Warar Keydmedia Online
Wariye lagu dhaawacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Hanad Cali Guuleed, oo ah tifaaftiraha Idaacadda Goobjoog ayaa xalay lagu dhaawacay magaaladda Muqdisho, sida ay sheegtay warbaainta uu katirsan yahay.

Wariyaha ayaa dhaawaca kasoo gaarey garabka Bidix, oo rag burcad ah oo Taleefonka ka qaadanayay ay uga dhufteen xili uu kusii jeeday gurigiisa, oo ku yaalla aaga Safaaradii hore ee Mareykanka [Siliga Ameerikaanka], oo degmada Wadajir katirsan.

Xaaladda suxufiga ayaa wanaagsan, waxaana laga saarey Isbitaalka saakay, iyadoo aan jirin cid loo soo qabtay dhaawaciisa, waxaana Saraakiisha booliska degmada uu falkan ka dhacay ka gaabsadeen inay ka hadlaan falalka kusoo kordhaya ee dhaca Taleefonada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.