Akhriso: Warmurtiyeedka Madasha Aragti-wadaagga Soomaalida

Waxaa maanta lasoo gaba-gabeeyay Shirkii Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Garowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland

Warar Keydmedia Online
Akhriso: Warmurtiyeedka Madasha Aragti-wadaagga Soomaalida

GAROOWE, Soomaaliya - Shirkii ay isugu yimaadeen dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka saameynta ku leh sida DF, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe, xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay Garoowe.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda Cilmi baarista ee Heritage, kaasoo soconayay muddo 4 Cisho ah ayaa looga hadlayay afar qodob oo kala ahaa:

  1. Dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee dalka.
  2. Taabba-gelinta nidaam Federaal ah oo dhammeystiran.
  3. Xasilinta dalka iyo saameynta ciidan qaran oo heshiis lagu yahay iyo
  4. Qabashada doorasho qof iyo cod ah sanadka 2-25

Machadka Heritage ayaa si guud ugu mahad celiyay ka qeyb galayaasha shirka waxaana uu soo saaray ugu dambeyn warmurtiyeed ka kooban 4 bog kaasoo si fiican loogu faah-faahiyay qodobada la isla gartay ee lagu lafa-guray intii uu shirka socday.

Ra'iisulwasaare ku xigeenka Dowladda Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa ka mid ahaa ka qeyb galayaashii shirka ee ku matalayay Dowladda dhexe, iyadoo Madaxweynaha Ra'iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan magaalaa Muqdisho aysan ka qeyb galin shirka, sidoo kale madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa iyaguna ka baaqday in ay ka qeyb galaan shirka, inkastoo aan la ogeyn sababta keentay baaqashada madaxda dowlad goboleeyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Shirka ayaa kusoo gaba-gaboobay jawi daggan, iyadoo madaxdii kala aragtida duwaneed ee kasoo qeyb gashay shirka ay qolo waliba aragtideeda kusoo bandhigtay madasha dhexdeed, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo ah hoggaamiye ay aad isku diiddan yihiin madaxda dowladda dhexe ayaa goobta ka sheegay hadallo ay kamid ahayd in loogu han-jabay dil, sidoo kalena la isku dayay in lacag lagu laaluusho si uu meesha uga baxo taasoo amakaag ku ridday ka qeyb galayaasha shirka.

Halkan hoose ka akhriso Warmurtiyeedka Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.