Wasaaradda A.Gudaha Galmudug oo kahor timid amarkii Qoorqoor

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib uheshiisiinta Galmudug ayaa ka hortimid amar uu soo saaray madaxweyne Qoorqoor

Warar Keydmedia Online
Wasaaradda A.Gudaha Galmudug oo kahor timid amarkii Qoorqoor

BALAMBALLE, Soomaaliya - Wasaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kahor timid soo jeedintii madaxweyne Qoorqoor ee dib udhigista Goleyaasha deegaanka saddex degmo oo kamida kuwa Galmudug.

Inkastoo dhismaha golaha deegaanka ee Balamballe la isku haystay oo muran xoog leh uu ka taagnaa haddana wasaaraddu waxa ay dadajisay dhismaha golahaasi iyadoo si buuxda uga hirtimid dib udhigistii golayaasha deegaanka ee saddexda degmo uu madaxweyne Qoorqoor hakiyay.

"Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib uheshiisiinta oo muda dheer ku hawlaneed daadejinta maamulka iyo dhamaystirka dhisidda dowladaha hoose ee golayaasha degaanka degmooyinka oo ay hore ugu guleysatay degmada Galkacyo sanadkii lasoo dhaafay. waxaa sharaf wayn u ah wasarada arrimaha gudaha in ay maanta ku guuleysatay dhammeystirka golaha degaanka degmada Balamballe oo mudo dheer wasaradu ku hawlaneed dhamaystirkooda.

Wasaaradu waxay u hambalyeynaysaa dhammaan shacabka dowlad goboledka Galmudug gaar ahaan shacabka degmada Balamballe oo muujiyay dhabar adeeg. Sidokale wasaaraddu waxay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhammeystiri doontaa degmooyinka Dhusmareb, Cadaado, Hobyo iyo Cabduwaq sedexda Bil ee soo socota haddi ale idmo." ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib uheshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.