Dowladda oo ka hadashay dagaallada Baladweyne

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa baaq u dirtay beelo ku dagaallamay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo ka hadashay dagaallada Baladweyne

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah oo ay dirirtu ku dhexmartay qaybo ka tirsan magaalada Beladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxda Wasaaradda ayaa boorrisay odayaasha dhaqanka, culamaa-u-diinka, ganacsatada, dhallinyarada, ururrada haweenka iyo waxgaradka in ay kala shaqeeyaan mas’uuliyiinta ka socda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle joojinta dagaalka dhexmaray beelaha walaalaha ah.

Ugu Dambayn, Wasaaradda ayaa labada beelood ee walaalaha ah oo ay dirirtu dhxemartay ka dalbaday inay si sharuud la'aan ah ku joojiyaan colaadda.

Halkan hoose ka akhriso baaqa wasaaradda:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.