Wasaaradda waxbarashada DF oo xallisay cabasho arday

Wasaaradda waxbarashada ayaa xal ka gaartay cabasho arday kamida kuwa dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2020/2021

Warar Keydmedia Online
Wasaaradda waxbarashada DF oo xallisay cabasho arday

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa go'aan kasoo saaray ardaydii cabashada u soo gudbiyay Wasaaradda oo aan loo diiwaangelin imtixaanka F12- aad ee sanad dugsiyeedkan 2021.

Ardayda cabashooda ayaa la aqbalay, waxaana muddo laba toddobaad ah loogu soo jawaabi doonaa cabashadooda, kuwa ay xogtooda saxnaatana imtixaan gaar ah ayaa laga qaadi doonaa sida ay wasaaraddu ballan qaadday.

Halkan ka akhriso qoraalka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.