Wasaaradda Waxbarashda DF oo Shaacisay halka Shahaadooyinka laga heli karo

Ogeysiis kasoo baxay xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa lagu shaaciyay halka ay ardayda iyo waalidiinta ubadkoodu imtixaanka ka gudubtay ay ka heli karaan Shahaadada sanad dugsiyeedka 2019/2020

Warar Keydmedia Online
Wasaaradda Waxbarashda DF oo Shaacisay halka Shahaadooyinka laga heli karo

MUQDISHO - Soomaaliya: Xafiiska imtixaanaadka iyo shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa goor dhaw soo saaray ogeysiis ku aadan halka ay ardayda iyo waalidiinta ubadkoodu ka gudbeen imtixaanaadka ay ka heli karaan shahaadooyinka sanad dugsiyeedka 2019/2020. Ogeysiiskan oo la soo dhigay Bogga ay ku leedahay  wasaaraddu barta Facebook -ga wuxuu u qornaa sidan:-

OGAYSIIS MUHIIM AH.
_____________________________

Xafiiska Imtixaanaadka iyo shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa uu ogeysiinaya ardayda iyo waalidiinta in dalabka shahaadada ardayda ka gudubtay imtixaannadii 2019/2020 ay kala xariiri doonaan xafiisyada Wasaaradaha waxbarashada ee Dowlad goboleedyada. sidaas oo kale ardayda ku nool gobolka banaadir waxa ay kala xariiri doonaan Xafiiska Agaasinka waxbarashada gobolka banaadir.

Mahadsanidiin

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.